Muqdisho,(insidesomalia.org)-Xalay saqdii dhexe ayaa weerar xoogan oo loo adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan lagu qaaday hoyga uu ka degan yahay Degmada Dharkinley Taliye kuxigeenka Ciidamada Booliska Soomaaliyeed Gaashaanle Dhexe Cali Yare, weerarkaasi oo socday ilaa saaka waaberigii sida ay sheegayaan dadka ku nool Degmada Dhankinley ee Gobolka Banaadir.
Warku wuxuu intaa ku darayaa in dagaalkaasi uu geystay khasaare labada dhinac soo kala gaaray, waxaana dadkii rayidka ee xaafadda dagaalka uu ka dhacay dhinacooda la sheegayaa inuu jiro tiro dad ah oo ku dhaawacantay rasaastii labada dhinac isweydaarsanayeen.
Ciidamo Boolis ah ayaa saaka bilaabay in halkaasi ay ka fuliyaan howlgalo baaritaano ah oo lagu baarayo xaafado ay Booliska ugu shakiyeen in laga soo abaabulay weerarkii xalay lagu soo qaaday guriga Taliye Kuxigeenka Booliska, walow uu socdo howlgalkaasi ilaa iyo hada.
Ma ahan markii ugu horeysay ee weerar noocaan oo kale ah loo geysto sarkaalkan ka tirsan Booliska iyadoo kal hore sidaan oo kale loo weeraray, mana jirto cid weerarkan ka hadashay oo ka tirsan Booliska iyo dhinacii weerarka soo qaaday oo sheegatay mas'uuliyada weerarkanm, waxaana maalmahan meesha ka baxay sheegashada weerarada ka dhaca Muqdisho.